Golaha Senate-ka ayaa sarkaal ka tirsan wasaaradda Gaashaan-dhigga Mareykanka ka dhageystay warbixin ay qeyb ka aheyd saameynta ay yeelatay ciidamadii uu bilo kahor madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ka soo saaray Soomaaliya.
Sarkaalka ayaa sheegay in maamulka Biden uu go’aannadaasi dib u eegis ku sameynayo, iyada oo ay suurtogal tahay in ciidankaasi dib loogu celiyo Soomaaliya.
Madaxweynihii hore Marayknaka Donald Trump ayaa sanadkii hore dabayaaqadiisa amar ku bixiyay in Ciidanka Marayknaka ee jooga Soomaaliya laga saaro islamarkaasna Ciidanka loo daad gureeyay Saldhig uu Maraykanka ku le yahay Dalka Jabuuti, Ciidanka oo garaya 700 oo Askari iyo sarakiishooda ayaa laga yaaba in ay ib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com