Dawlada Federaalka oo Cambaareeysay Fal ay sheegtay in Ciidanka Puntland ay kula kecen shacabka Degmada Dahar ee gobolka Sanaag

Qoraal kooban oo ka soo baxay Dawlada waqtigeeda uu dhmaaday ayaa lagu cambaareyay Tallaabo maamulka Puntland ciidankooda ay wax yeelo ugu geysteen shacabka Degmada Dahar ee gobolka Sanag

Qoraalka ayaa u qornaa Sidan :

 Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed.

Fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan waa mid aan la aqbali karin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro.

– Dhamaad-

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com