Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen kaga hadlay Amniga xarunta lagu qaban doono Shirka Arrimaha Doorashooyinka ee Muqdisho.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Francisco Madiera ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM ay mas’uul ka yihiin Amniga xarunta AFISYOONI ee Shirka lagu qabanayo.
Ambassador Madiera ayaa Tilmaamay in AMISOM ay dammaanad-qaad ka yihiin Xaqiijinta Amniga xarunta AFISYOONI Shirka ka hor iyo kadib, islamarkaana la dhammaystiray Shaqadii Guddiga Amniga u qaabilsan Shirka.
Wuxu sheegay in AMISOM ay dhammaan dhinacyada kala shaqaynayso in Shirka AFISYOONI ku qabsoomo xasiloon iyo ammaan ah oo lagu kalsoonyahay.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com