Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillahi Deni oo lahadlay Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay in aanay war u heyn shirka berito la sheegay inuu ka furmayo teendho ku taalla garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya.
Madaxweyne Deni ayaa ku adkeystay in khilaafka doorashada ka taagan ka hor laga hadlo arinta ciidamada oo uu sheegay inay si gaara u isticmaalayaan madaxda Dawladda Federaalka, wuxuuna ku eedeeyay in xalay illaa saaka ay ciidamo dheeraada soo dhoobeen aagga uu ku yaalo garoonka Aden Cadde oo ay iyagu dagan yihiin.
Wuxuu yiri Deni: “Waxaan halkaan nimid ka dib markii aan marti qaad ka helnay beesha caalamka gaar ahaan James Swan iyo Yama Moto oo aad baryahaan ugu howshanaa sidii dhinacayada la isugu keeni lahaa ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka.”
“Muddadii aan joognay waxaan wadahal la yeelanay beesha caalamka iyo dad badan oo Soomaali ah oo ay ugu muhiimsan yihiin madaxdii hore oo hadda ku mideysan Midowga Murashaxiinta.”
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in shirka berri dhacayo aan lagu casuumin kaliya baraha bulshada ay ku arkeen warqadda laakin aysan warqad rasmi ah oo lagu casuumay aysan jirin.
Deni ayaa sheegay inuu beesha Caalamka ugu baaqayo in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay in la samata bixiyo. Waxa uu sheegay in arrimaha doorashada laga hadli karo oo keliya marka laga heshiiyo amniga iyo sida ciidamada Soomaaliya loo maamulayo.
Madaxeyne Dani ayaa horay cabasho uga muujiyay ciidamada dowladda gaar ahaan Haramcad iyo Gorgor, kuwaasi oo ku tilmaamay in ay khatar dhanka amniga ah u horseedeen dalka.
Xigasho laanta Afka Soomaalida ee BBC
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com