Ciidamo markale maanta la geeyay Degmada Doolow ee gobolka Gedo: Daawo+Sawiro

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii labaad Ciidan iyo Baabuur dagaal geysay degmada Dooloow ee gobolka Gedo.

Ciidamadaan ayaa diyaarad looga qaaday Magaalada Muqdisho kuwaas oo la dejiyay garoonka diyaradaha Degmada Dooloow ee gobolka Gedo.

Amarka Ciidankaan lagu geeyay degmada Doolow waxaa bixiyay Madaxweyne Farmaajo uu muddo xileedkiisa uu dhammaaday.

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta Ciidanka loo geeyay gobolka Gedo xilli degaanada gobolkaasi ay ka jiraan Abaaro iyo biyo la’aan saameysay Dadka iyo Duunyada ku nool gobolkaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com