Saldhiga booliska garoonka diyaaradaha la Hoos geeyay Taliska Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir

Saldhiga Booliska ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa la hoosgeeyay Taliska Guud ee qaybta Booliska Gobolka banaadir

Dekareeto uu soo saaray Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  Cabdi xasan Xijaar ayaa lagu sheegay  Saldhiga Booliska Garoonka Aadan cadde in uu ka mid noqday  Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir ee hoostaga Qeybta Guud, taas oo ka dhigan  in awoodda magacaabis iyo xil ka qaadis uu leeyahay Taliska Booliska Gobolka Banaadir, maadaama shaqo ahaan loo hoos keenay.

Saldhiga Booliska ee Garoonka diyaaradaha ee muqdisho ayaa mid aan hoostagain taliska qaybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com