maamulka Mandera ee gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa la sheegayaa in ay ku soo badanayaan dadka uu soo ridanayo xanuunka Corona.
Xanuunka ayaa sacadihii lasoo dhaafay waxa u dhintay mas’uuliyiin katirsan ismaamulka, halka kuwa kalena ay la jiifaan.
Maxamed Caray,oo ah barasab ku xigeenka ismaamulka Mandera ayaa sheegay in sare kiisaska cudurka ay ugu wacan tahay arrimo ay kamid yihiin isu socodka dadka maadama magaalada ay ku taalla xuduudda iyo in dib loo furay goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha.
Mandheera waxay dhawaan kamid noqotay magaalooyinka Waqooyi Bari Kenya ee la gaarsiiyay tallaalka ka hortagga cudurka Karoona.
Maamulka magaaladaas ayaa sheegay in saddex koox oo kamid ah dadka safka hore uga jira la tacaalidda cudurka durbadiiba la siiyay tallaalka.
Mandheera ayaa kamid ah meelaha uu ku faafay cudurka, waxaana ay xuduud la wadaagtaa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com