Maamulka Puntland oo sheegay in Musharaarkooda joogto laga dhigay Ciidanka Puntland lana qalabeeyay

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal,   ayaa sheegay in dowladdu mas’uuliyad weyn iska saartay bixinta xuquuqda iyo mushaharka ciidamada kala duwan.

Wasiir Xasan shire Abgaal ayaa sheegay in dhammaan Ciidamada Puntland si dhammaystiran loo qalabeeyay, islamarkaana saddex jibbaar loo kordhiyay mushaharka iyo xuquuqdooda kale, si ay u gutaan waajibaadka ka saaran difaaca dalka.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in askari kasta oo ka tirsan CiidamadaPuntland  laga doonayo, in uu si buuxda u guto waajibaadka kaga aaddan difaaca Puntland, isagoo ballan-qaaday in askari kasta dowladda ka heli doono daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com