Wasiir Beyle iyo Danjire James Swon oo kulan ka yeeshay xaalada Covid19 ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Xilgarsiinta ee Dalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga ee Zoomka kulan kula yeeshay Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira dib u habeynta dhaqaalaha, si Wasaaradda Maaliyadda ay awood ugu yeelato ka jawaabidda xaaladaha deg degga ah ee COVID-19.

“Waxa aan shir muhiim ah oo ku saabsan dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo ka jawaabidda xaaladaha deg degga ah ee COVID-19 aan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay ka go’antahay dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada wax ku ool ka ah ee fududeynaya ka jawaabidda marxaladaha COVID-19.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com