Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa ka hadlay shirka looga hadlidoono doorashooyinka soomaaliya oo dhawaan ka furmaya xeyndaabka Xalane.
Waxaa uu sheegay in kulanka la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho ee ay isugu imaanayaan madaxda Dawlada Federaalka , Dawlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu yahay mid muhiim u ah Mustaqbalka Soomaaliya iyo heshiis laga gaaro muranka hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.
Ergeyga ayaa sidoo kale tilmaamay sida murankan mudada sanadka ku dhow soo socdey uu u curyaamiyey adeegyadii kale ee muhiimka u ahaa dowladnimada Soomaaliya.
James Swon oo waraysi siiyay Laanta Afka Soomalida VOA ayaa xusay in shirkaasi dhaqaalaha ku baxayo ay bixin doonto Qaramada Midoobay islamarkaana arintaasi ay tahay codsi uga yimid xukuumadda Muddo xileedkeeda uu dhmaaday ee Maxamed Xuseen Rooble
Ergayga Qaramada Midoobay ayaa shaaciyay in shirkaasi qabashadiisa muhiim ay u tahay ka qayb Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhamaaday Farmaajo , Ra’iisal Wasare Rooble iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya xasan sheikh iyo Shariif sheikh Axmed laga tashanayo qabsoomida shirkaasi.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com