Sii haayaha Wasiirka Amniga oo Magaalada Dooxa kula kulmay Ra’iisdal Wasaaraha Dalkaasi

Sii haayaha Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo ku sugan Caasimadda dalka Qatar ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar Sheekh khaalid Bin Khaliifa bin Cabdiaziiz Al Thaani.

War Qoraal ah uu soo saaray sii haayaha Wasiirka amniga Xasan Xundubey ayaa waxaa uu ku sheegay in kulan gaar ah uu la qaatay Sheekh khaalid Bin Khaliifa Al Thaani, uuna uga mahadceliyay tageerada Qatar ay la garab taagan Soomaaliya.

Waxaana aan ka wada hadalnay is kaashiga amniga ee labada dal ee Soomaalia iyo Qatar, anigoo kaga mahadceliyay tageerada dowlada Qatar ay la garab taagantahay shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya” ayuu yiri Xasan Xundubey.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com