UK oo Soomaaliya ku dartay Liiska Wadamada ay ka mamnuucday dalkeeda

Xukuumadda UK ayaa sheegtay in marka  la gaaro  19-ka bishan Maarso ee sanadkaan 2021 aysan dalkeeda Tagi karin  dadka ka imaanaya Soomaaliya ama safarka ku sii maray 10-kii cisho ee ugu dambeeyey sababo la xiriira xakameynta cudurka Covid-19.

Sidoo kalena muwaadiniinta Ingiriiska iyo Ireland iyo muwaadiniinta kale ee haysta degenaanshaha UK ee imaanaya England kana imaanaya Soomaliya ayaa looga baahnaan doonaan in ay huteellada isku karantiilaan isla markaana ay iska bixiyaan kharashka.

UK ayaa sidoo kale ugu baaqday dadka heysta dhalashada dalkaas ee ku sugan Soomaaliya inay taxaddaraan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com