Musharrax Madaxweyne Daahir Geelle oo ka hadlay Qarax lala eegtay Ilaaladiisa

Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay qarax xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo lala eegtay Ilaaladiisa

Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxyiga Xerada Afasiyooni ee degmada Waaberi halkaas oo lagu qarxiyay baabuur nuuca raaxada ah oo ay saarnaayeen ciidamo military ah oo ilaalo u ahaa Musharax Daahir Maxamuud Geelle waxaana ka soo gaaray qaraxa khasare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Barta uu ku lee yahay face buugga musharax Daahir Geele soo dhigay Qoraalkaan oo uu kaga hadlayay qaraxa :

Waxaa  qarax argagixiso oo fulaynimo ah lala beegsaday Korneel Cumar Cabdiraxmaan oo ammaankeyga guud masuul ka ah iyo ilaaladiisa. Waxaan murugada la qaybsanaynaa una tacsiyeynaynaa ciidamada qalabka Sida iyo ehellada geerida ku timid Alle ha u naxariiatee Axmed Cali Maxamuud iyo Xasan Cali Maxamed oo ka tirsanaa ilaalada taliye Cumar.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu inoo caafiyo Cornel Cumar Cabdiraxmaan, Yaasiin Muxudiin Khaliif darawalka taliyaha, Xuseen Cali Xasan Caddow iyo Abuukar Maxamed Cabdulle oo ka tirsanaa ilaalada taliyaha, Ilaahay ha u booga dhayo, caafimaad deg deg ahna Alle ha siiyo dhammaantood.

Taliye Cumar waa sarkaal astaan u ahaa una ah dhowr iyo tobanki sano ee tagay ku dhiiranaanta iska dhicinta, dad ka dhicinta dhagar qabayaasha argagixisada ah, Allaha ku caafiyo adiga wiilasha askarta ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com