Gudoomiyaha Degmada Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose Abuukar Cabdulaahi Isaaq Al Cadaala oo u waramay Warbahinta Aragti Cusub ayaa ka hadlay xaalada Tuulooyin hoostaga degmada Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose .
Waxaa uu shegay in dhamaan Tuulootinkaasi la gubay Dadkii ku noolaana laga barakiciyay isaga oo ku Eedeeyay Alshabaab in Dadkaasi shacab ka ah guryihii ay deganayen ka gubeen oo ay barakiciyeen, Waxaa uu intaasi uu ku daray Gudoomiyaha degmada Leego Abuukar Cabdulaahi Isaaq
Al Cadaala in Dadkii laga barakiciyay degaanadaasi hoostaga degmada Leego ee gobolka shabeelaha Hoose ay ku nool yihiin xaalad cakiran qaarkoodna ay hadda soo gaareen magaalada Muqdisho kuwaas oo u shegay in ay u baahan yihiin Gurmad Deg Deg ah.
Dhinaca kale ,Gudoomiyaha degmada Leego ayaa ku Eedeeyay Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koofur Galbeed in aysan waxba u qaban Dadkii laga barakiciyay degaanadaasi hoostaga degmada Leego ee gobolka Shabeelha Hoose