Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha eeXFS Xasan Cabdinuur Cabdi iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Bagdaad eeCaasimada Dalka Ciraaq, Waxaana Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaas Ciraaq Eng. Mahdi Rashid Al-Hamdani.
Wafdiga Wasiirka ayaa ka helay martiqaad rasmi ah Wasiirka Biyaha Ciraaq si uu uga qeyb galo shirkii 1-aad ee Biyaha Caalamiga ah ee Baqdaad.
Wasiirka ayaa inta uu booqashada ku joogo magaalada Bagdaad waxa uu kulamo la yeelan doona madaxda Wasaaradda biyaha Ciraaq, iyagoo ka wada hadlaya iskaashiga Dhanka Maaraynta kheyraadka Biyaha.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com