Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Jaamac Xirsi oo maanta lagu aasay dalka Jabuuti.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuumku uu kaalin mug leh ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada, nabaddeynta, dib u heshiisiinta iyo dhammaan dadaalladii geeddi socodka ee xal u helidda dhibaatooyinka dalkeenna ka dhacay.
“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Jaamac Xirsi waxa uu door weyn ka soo qaatay dhammaan dadaalladii geeddi socodka ee dib u yagleelidda dowladnimadeenna iyo dib u heshiisiinta, waxa uuna qeyb ka ahaa Wax-garadkii hoggaaminayey Shirkii Carta ee sannadkii 2000”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.
DHAMMAAD
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com