Meydka Madaxweyhihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa lagu wadaa in la keeno Magaalada Muqdisho
Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa saakay la xiray iyadoo Halkaas lagu arkayo Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya kuwaas oo Amaanka sugaya
Gudiga loo xilsaaray Aaska Meydka Madaxweynihii hore Cali mahdi ayaa sheegay in ay diyaarinayan Hab Maamuska loogu talagalay in loo sameeyo meydka Madaxweynaha
Alle ha u naxariiste Marxuum Cali Mahdi Maxamed ayaa intii uunoola waxaa uu dhisay Masjid ka dhisay Xaafada Towfiiq waxaana la sheegay intii uu noolaa uu ku dardaarmay meel barxad ah oo ku taala Masjidka in lagu Aaso Marka uu dhinto Sidoo kalena Xaaskiisa Haddii ay dhimato in iyadana lagu Aaso Hakaas
Marxuum Cali Mahdi ayaa Dadkii yaqaniinay shaqsiyadiisa Waxa ay shegeen in uu ahaa Qof sadaqo badan Jecelna Akhriska Quraan Kariimka ah
Dawlada Federaalka ayaa sheegtay in 3 Maalmood oo baroor diiq loo sameeyn doono geerida Madaxweynihii hore e Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com