Waxaa Caawa Dalka Turkiga ku geeriyooday Xildhibaan ka Tirsan Golaha shacabka oo degaan doorashadiisa ay tahay Jubland
Xildhibaan a ayaa lagu magacaabi jiray Fiilow Isaaq Ibraahim
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubland ayaa u Qornaa Sidan:
“Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, waxaa uu ka tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u Naxariistee Xildhibaan Xaaji Fiilow Isaaq Ibraahim, oo ka tirsan Baarlamaanka JFS oo ku geeriyooday Wadanka Turkiga,” ayaa lagu yiri Qoraalka
, “Alla ha u Naxariistii Xildhibaan Xaaji Fiilow Isaaq Ibraahim, waxaa uu kamid ahaa aas aasayaashii Jubaland, isagoo wakhtigiisa iyo naftiisaba u huray dhismaha Jubaland. Madaxweynahu wuxuu tacsi u dirayaa dhaammaan Shacabka Jubaland, iyo gaar ahaan qoyskii, qaraabadii, iyo Saxiibadii uu marxuumku ka baxay ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Jubland ee looga hadlay geerida XXildhibaan Fiilow Isaaq Ibraahim.”
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com