Madaxweynaha Dalka Uganda oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Soomaaliya ee Dalkaasi

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa waraaqaha danjirino maanta ka guddoomay Safiirka cusub  Soomaliya ee dalka Uganda, danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur).

 

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Ugandha Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabuur ayaa gaarsiiyay Madaxweynaha Uganda salaan uu uga waday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Safiir Cali Cagabaruur ayaa gudoonsiiyay Madaxweyne Museveni dhambaal hambalyo ah uu ka uu usoo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhigiisa Uganda, middaas oo ugu hambalyeenayay munaasabadda dib loogu doortay Madaxweyne Museveni

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com