War qoraal ah oo ka soo baxay goalaha Midowga Musharaxiinta ayaa lagu cambaareeyay labadii weerar ee lagu bartilmaameedsaday Xerada Xalane iyo Maqaayada Luul Yemeni Waxaana ay sheegeen inay ka xun yihiin weeraradaasi Foosha Xun islamarkaana ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Midowga Musharixiinta ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka taxadaraan faafida Cudurka halista ah ee COVID-19, ayna ka feejignaadan dhibaatooyinka amni darro ee ka dhacaya dalka ee kuwa geysanaya ka faa’iideysanayaan Jahwareerka siyaasadeed ee jira.
Sidoo kale Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay Shirka Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee la filayo inuu todobaadkan ka dhaco Teendhada Afisyooni ee Xerada Xalane.
Musharaxiinta ayaa sheegay in shirkaas ay u arkaan inuu yahay mid lagu soo afjari doono is-maandhaafka siyaasadeed ee jira haddii uu kulanka uu noqdo mid loo dhan yahay oo dhammaan Madaxda kasoo qeyb galaan, loogana hadlayo khilaafka taagan.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com