Shirka lagu wado in ay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho Dawlada Federaalka Soomaaliya , Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in la gu qabto Xerada Afasiyoone oo ku taala garoonka diyaaradaha ee Muqdisho
Shirkaan ayaa waxaa ka qayb geli doona dhammaan Madaxda dawlad goboleedyada , gobolka Banaadir iyo Dawlada Dhexe iyadoo Saacadaha Soo socda Muqdisho ay soo gaari doonaan Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe Kuwaas oo la sheegay in Amnigooda ay sugidoonann Ciidamo Amisom ka tirsan maadaamaa aysan isku haleyn Karin Ciidanka Dawlada Federaalka oo ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo.
Shirkaan ay Magaalada Muqdisho ku yeelanayaan Dawlada Fededraalka ,Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa la sheegayaa in ay looga hadlayo dhameystirka Heshiiskii 17 Sebtember ee 2020 ay wada saxiixeen dhamaan dawlad goboleedyada , Dawlada Dhexe iyo gobolka Banaadir
Teendhada shirkaan lagu qaban doono ayaa ah tii 4 sano ka hor lagu doortay Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhammaaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
Beesha Caalamka ayaa dhinacyada Soomaalida ku cadaadineysa in ay Heshiis ka gaaraan qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com