Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geele oo ku baaqay in ay sii socdaan Wadahadalada Musharixiinta iyo Ra’iisal Wasaare Rooble

Daahir Maxamuud Geelle oo ka tirsan Midowga Musharraxiinta ayaa ku baaqay in lasii wado wadahadallada mucaaradka iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Wax natiijo ah kama soo bixin shirkii dhawaan dhexmaray mucaaradka iyo Ra’iisul Wasaaraha inkasta oo kii ka horreeyay ay kasoo baxeen arrimo ay kamid yihiin in dibadbaxyada ay qabsan karaan isla markaana la xaqiijinayo amniga musharixiinta

Musharixiinta Mucaaradka ah  waxay sheegeen in aysan ka tanaasuli doonin dibadbaxyada.

Mudane Daahir Maxamuud  Geele oo ka Tirsan Midowga Musharixiinta Mucaaradka ah ayaa hadalkiisa intaasi ku daray  in mucaardka aysan marnaba kana tanaasuli doonin.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com