Turkiga oo Saldhig Ciidan ku wareejiyay Dawlada Federaalka Soomaaliya

Wasaarada Gaashaandhigga Dowlada Turkiga ayaa boggeeda  Twitterka waxaa la soo dhigay in Ujeedada Saldhiga military ee turkiga gacanta uu ku haayay  lagu wareejiyay dowlada Federaalka  ay tahay dib u habeynta ciidamada Soomaaliya iyo Tababarkooda .

“Qayb ka mid ah Saldhiga –dib u habeynta Ciidamada qalabka sida ee  Soomaaliya ee ah,– Xaruuntii  1-aad ee uu Turkigu ka dhisay Muqdisho waxaa lagu wareejiyay Madaxda Dawlada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee la soo dhigay boggaTwitter-ka Wasaaradda Gaashaandhiga  ee Dalka Turkiga.

Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Dawlada Turkiga ayaa waxaa ka dhexeya Xiriir Weyn kas oo soo bilwday Markii madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Tayib Urdogan uu Soomaaliya Yimid Sanadkii 2011ka xiligaas oo Abaaro ay ka jiren Dalka Islamarkaana Turkiga uu Mucaawino keenay dalka iyadoo Turkiga Sidoo kale ay ka qayb qaateen Dhismaha Ciidanka Qaranka Soomaaliya gaar,ahaan qaybtooda gor gor

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com