Golaha Wasiirada oo yeeshay kulan looga hadlayay sidii loogu gurman laha Dadka ay Abaarta saameeysay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyay shir  ay Golaha Wasiirradu yeesheen, oo looga hadlay abaarahaka jira dalka  iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaraha iyo biyo la’aanta ay saameysay.

Kulanka Golaha Wasiirada oo lagu qabtay aaladda fogaan aragga ah ee Zoomka  ayaa waxaa warbixino laga dhageystay guddiga Dowladda u xilsaartay wax u qabashada dadka ay abaaruhu ku dhufteen oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kuwaasi oo Golaha Wasiirada hordhigay xaaladda deg deg ah ee ka jirta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, halkaasi oo saacidihii la soo dhaafay ay jirtay dad biyo la’aan u geeriyooday.

Golaha Wasiirada ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqasiyaha badan gurmad beni’aadanimo la gaarsiiyo qoysaska uu saameeyay biyo la’aanta.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com