Tahriibayaal ku sii jeeday Dalka Yeman oo Doontii ay saarnaayeen laga Tuuray

Doon siday dad gaaraya 200 ruux  oo muhaajiriin ah ayaa ka tagtay xeebta Oulebi ee Jabuuti, 2:00 am, sida ay sheegtay Yvonne Ndege, oo ah afhayeenka hay’adda caalamiga ah ee socdaalka ee IOM.

Hase yeeshee dad ka bad-baaday dhacdadan ayaa sheegay in saacad kadib markii ay doonta baxday, ay tahriibiyayaashu go’aamiyeen in doonta uu culeyska ka batay, ayna ka tuureen 80 qof, sida ay sheegtay Ndege.

Waxa ay ku warrantay in illaa iyo hadda la helay meydadka shan qof.
Dadka inta badan ku harqama xeebaha Jabuuti, ayaa ka yimaada dalalka Soomaaliya ama Ethiopia, ayaga oo isku dayaya inay ka baxsadaan saboolnimada ka jirta dalalkooda, islamarkaana shaqooyin ka raadinaya dalalka Sacuudi Carabiya ama Imaaraadka Carabta.

Qaarkood ayaa marka ay gaaraan Yemen ku xannibma, kadib marka ay ku guul-darreystaan inay u gudbaan xuduudda Sacuudiga, waxayna kadib mararka qaar badda ku harqamaan ayaga oo isku dayaya inay dalalkooda kusoo laabtaan.

Dadka Doonida laga Tuuray ayaa u socday Dalkana Yeman Halkaas oo ay doonayeen in ay uga sii gudban dalka Sacuudiga

REUTERS

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com