Wasiirka Amniga maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa amaayr in la burburiyo dhammaan dooxooyinka Bixin iyo Woow oo dhaca duleedka waqooyi ee caasimadda Garoowe.
Wasiirka , oo tixgelinaya Wareegto Madaxweyne, oo lagu mamnuucay degaameysiga dooxooyinka Bixin iyo Woow, ayaa sheegay in aysan waxba iska beddelin go’aankii maamulka Puntland ku joojisay degaameysiga dooxooyinkaas oo loo aqoonsaday dhul-daaqsimeed.
Wasiir Gallan ayaa sheegay in ay jiraan dad jebiyay Amarkii dowladda, islamarkaana bogcado degaameysi ka bilaabay dooxooyinka Bixin iyo Woow, waxaana uu Laamaha kala duwan ee Amniga faray in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan dadkaas.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Wareegto uu soo saaray ku mamnuucay in wax degaameysi ah laga sameeyo dooxooyinka Bixin iyo Woow, isagoo sheegay in dowladda Puntland u aqoonsatay dhul-daaqsimeed.
Xafiiska Wararka Muqdisho