Puntland iyo Jubland Maxay ka yiraahdeen ,Wadahadalada Xukuumadda RW Rooble iyo Mucaaradka?

Maamullada goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaan weli ka hadlin kulanka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo. Labadan maamul ayaa horay shuruudo ugu xiray ka qeybgalka kulankaas.

Mid kamid ah shuruudaha oo ahayd in xal laga gaaro wixii Muqdisho ka dhacay 19- kii February ayaa u muuqata mid meesha ka baxday.

Garowe iyo Kismaayo ayaa shardi kale ka dhigay in kulanka madaxda lagu qabto meel ammaankeeda la isku haleyn karo oo kamid ah Muqdisho.

Hase ahaatee , Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni  ayaa u muuqda mid ku qanacsan  wadahadalada Mushirixiinta iyo Xukuumadda Ra’iisal wasaare Rooble ay ku yeesheen Muqdisho ee Xalka looga gaarayo dhacdadii 19 Febrayo 2021

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waraysi  uu siiyay Telefishinka Universal Waxaa uu u muuqday mid ku qanacsan  Wadahalada Mucaaradka iyo Xukuumadda

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com