Wararka ka Imaanaya magaalada Jowhar ee Xarunta Dawlad goboleedka Hirshabeele ayaa sheegay in xalay uu dagal ka dhacay gudaha Magaalada jowhar
Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhexeeyay Ciidanka Booliska Maamulka Hirshabeele iyo Xubno ka Tirsan Alshabaab waxaana uu ka dhacay Buundada kala qaybisa Xaafadaha Horseed Kulmis iyo Hanti Wadaag ee Magaalada Jowhar
Warar ayaa sheegaya in dagaalka uu bilowday ka dib markii xubno ka Tirsan Alshabaab weerar ay ku qaadeen Buundadaasi oo fariisin ay ka sameysteen Ciidanka Maamulka Hirshabeele lama oga ilaa hadda wax khasaare ah oo ka dhashay dagalka hase ahaatee ciidanka maamulka Hirshabeele aya baaritaano ka wada xaafadaha ku teedsan Buundada kala qaybisa magaalada jowhar.
Alshabaab ayaa ku sii xooggeysanaya Xaafadaha Magaalada Jowhar iyaga ooh ore halkaasi uga geystay dilal qorsheysan oo ay la beegsadeen xubno ka Tirsanaa Maamulka Hirshabeele
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com