Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay badiyaan Ducada

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay badiyaan Ducada

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlayay khatarta Cudurka Safmarka ee Covid19 ayaa ugu baaqay shacabka soomaaliyeed in Qur’aan ay Akhristaan ducadana ay badiyaan si Alle ummada uga dul qaado cudurkaan karoona Virus

Sheikh Bashiir ayaa sheegay in Dadka qaba Sokorowga iyo Dhiig karka ee looga baqayo cudurka in Salaada guryaha ay ku tukadaan oo aanay  masaajidka aadin maadaama cudurka ay u nugul yihiin.

Hadalkaan ka soo baxay sheikh Bashiir Axmed Salaad ayaa ku soo aadaya xilli cudurka covid19 uu dhibaato ku haayo shacabka Soomaaliyeed kaas oo Dad badan ay u geeriyoodeen qaarna ay la ildran yihiin.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com