Qaramada Midoobay oo Cunuqabateyn ku soo rogtay Saraakiil ka tirsan Alshabaab

Golaha Amniga  ee qaramada midoobe ayaa si aqlabiyad ah u taageeray in xayiraad la saaro sadax xubnood oo ka tirsan Alshabaab

Xubnahan ayaa kala ah Abuukar Cali Aadan oo ah ku xigeenka hogaamiyaha shabaab,Macalin Ayman iyo Mahad Karataay.

Dowlada Soomaaliya oo kaa shaneysa dalka Mareykanka ayaa arintan ka dalbatay golaha amaanka

Arintaan  ayaa waxaa soo dhaweeyay wasaarada arimaha dibadda ee Mareykanka

Dhinaca  kale ,Erica Barks-Ruggles  oo ah saraak sare oo ka tirsan xafiiska arimaha heyadaha caalamiga ee wasaarada arimaha dibadda Mareykanka ayaa arintan ku tilmaantay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com