Maxkamad ku taala Dalka Ingariiska oo xukun ku riday Muwaadhin Soomaali ah

Maxkamad ku Taala Dalka Ingariiska ayaa xukun Xabsi daa’in ah ku riday Xuseen Yuusuf Cigaal oo ka mid ahaa Soomaalida degan xaafada Edmonton ee waqooyiga Magaalada London

Xuseen ayay maxkamadu ku heshay danbi ah in uu dilay xaaskiisa Maryan Ismaaciil 6 April sanadkii 2020.

Xuseen ayaa maxkmada ka sheegay in Karoona uu hayay oo xaaskiisa ay tiri aqalka iiga bax oo karoonaha uu waalay oo uu dilay sidoo kale wuxuu sheegay in uu isdifaacayay.

Dambi baarayaasha arkay meydka gabadha AUN waxay sheegeen in ay ka anfariireen sida uu u dilay islamarkaana baaritaankooda wuxuu muujiyay in aanu dagaal dhicin ee gabadha la dilay oo aanay iyadu gacan geysan. Xuseen waa 66 jir darawal bas ahaa .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com