Beesha Caalamka oo soo dhoweeysay Heshiiska ay gaareen Xukuumadada Rooble iyo Mucaaradka

War Qoraal oo ka soo baxay Wakiilada beesha caalamka ayaa looga hadlay heshiiska ay gaareen RW Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo midowga musharaxiinta, Heshiiska oo lagu sheegay  in xukuumaddu raali gelin ka bixisay, guddi baarana loo saaray wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishan Febraayo.

Sidoo kale heshiiskaas waxaa lagu shaaciyay in dib loo dhigay banaanbixii ay midowga musharaxiintu u qorsheeyeen inuu dhaco Jimcaha berri ah ee 26-ka Febraayo, waxaana tallaabooyinkaas soo dhaweysay beesha caalamka.

“Beesha Caalamka ee Soomaaliya waxay si diirran u soo dhaweynaysaa heshiiska ay ku dhawaaqeen ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, hogaamiyaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Banaadir, iyo Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, oo ah talaabo wanaagsan,” ayaa lagu yiri.

“Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya waxay bogaadinayaan talaabadan, taas oo dan u ah muwaadiniinta Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya, waxayna ku boorineysaa dhamaan dadka ku lugta leh inay sii wadaan ka qeyb qaadashada dhaqaalaha, si wax looga qabto arrimaha kale ee harsan, iyadoo loo marayo tanaasul iyo niyad wanaag.”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Beesha Caalamka.

Beesha Calamka ayaa dadaal xoogan ku bixisay baajinta Xiisado Dhrex mara Dawlada Madaxweyne Farmaajo iyo Midowga Musharixiintawaxaana talaabadaan ay noqoneysaa mid hore loo qaaday oola xidhiidhta  sidoo laysugu keeni lahaa dhinacyada is khilaafsan heshiisna ay u wada gaari lahaayeen

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com