Midowga Musharixiinta oo Qodobo hordhigay Wakiilada Beesha Caalamka

 Faah Faahino ayaa ka soo baxaya kulanka ay  yeesheen Golaha Midowga Musharixiinta iyo wakiilada Beesha caalamka

Kulanka oo ku qabsoomay mareegta internetka ee Zoomka ayaa looga hadlay arimaha doorashooyinka iyo Geedi socodka siyaasada Soomaaliya

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa qodobo hor dhigay madaxda Beesha Caalamka ee la xiriira khilaafka siyaasadeed ee dalka iyo suurtagalnimada xal laga gaaro khilaafkaasi

Qodobada ay midowga Musharixiinta ay hor dhigeen madaxda beesha caalamka ayaa waxaa ka mid ahaa Weerarkii ka dhashay dibad baxii baaqday ee 19 Febraayo iyo Qodobo kale ay ka mid yihiin.

-In la abuuro jawi siyaasadeed oo ay ku jirto xorriyadda banaanbaxa, qabashada shirarka, ololaha, dhaq dhaqaaqa xorriyadda hadalka iyo u adeegsiga warbaahinta qaranka si siman.

-In ay is-casilaan taliyeyaasha ciidamada, gaar ahaan Xoogga dalka, Sirdoonka iyo Booliska oo ay ku eedeeyeen inay ka qeyb qaateen weeraro ka dhan ah musharraxiinta

-In shirarka soo socda lagu qabto goob amni ah, islamarkaana uu jiro dammaanad qaad caalami ah oo korjoogteyanaya fulinta heshiisyada la gaaro.

1n baaritaan madax bannaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday hotelkii ay deganaayeen madaxweynayaashi hore & falkii lagu rasaaseeyay bannaan-baxayaashii  ay hoggaaminayeen musharaxiinta mucaaradka ee Jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

-In madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku wareejiyo talada dalka Gole Qaran oo KMG ah.

-In heshiis kama-dambeys ah laga gaaro 3 qodob ee muranku ka taagnaa ee hore u jiray  sida arrinta Somaliland iyo tan Gobolka Gedo iyo guddiga doorashooyinka

-In doorashada madaxweynaha lagu qabto isla Halkii ay ka dhacday Febraayo sanadkii 2017-kii.

-In golaha musharaxiinta madaxweynaha ay si toos ah uga qeyb-qaataan wadahadalada doorashooyinka iyo wadatashiga .

-In la dadajiyo doorashada, islamaraakana jadwalka lasoo saari doono uusan ka dheeraan muddo 60 cisho ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com