RW Rooble iyo Midowga Musharixiinta oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

Wararka ay heleyo Warbaahinta Aragticusub ayaa sheegaya in maanta loo ballansan yahay kulan dhexmara ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharraxiinta mucaaradka ah.

Kulanka ayaa loo badaniyaa inuu ka dhici doono Hotel Decale ee ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaa soo ah mid ammaankiisa aad loo ilaaliyo.

Magaalada Muqdishoi aya waxaa ka socda kulamo  dhinacyo badan oo lagu dqaboojinayo  xiisadda ka dhalatay iska hor imaadkii muqdisho ka dhacay Jimcihii hore 19 Febraayo.

Midowga musharraxiinta macaaradka ayaa Arbacadii ku adkeystay in dibedbax kale ay qaban doonaan Jimcaha beri ah, kaasoo oo ka dhan ah xukunka madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Kulanka loo ballansan yahay ayaa sidoo kale waxaa ku casuuman madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) iyo dhiggiisa Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe).

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay kulan la qaatay xubno ka tirsan beesha caalamka.

“Waxaan Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka. Waxaan is dhaafsannay aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda & dhowrista xasilloonida guud ee dalka,” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u dhaliilsan dowladda uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay bartiisa Facebook ku sheegay in guul oo ka rajeynayo kulanka maanta.

“Guul iyo is-afgarad ayaan ka rajeynaynaa shirka berito inshaa’allah. Waa ku mahadsanyihiin dhamaan intii ka soo shaqeysay!” ayuu sheegay Mahad Salad

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com