RW Rooble iyo Midowga Musharixiinta oo gaaray Heshiis is Af garad ah

Ka dib kulan ka dhacay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho oo ay wada yeesheen xubno ka Tirsan Midowga Musharixiinta iyo Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa lagu gaaray Heshiis is Afgarad ah

Midowga Musharixiinta ayaa Ra’iisal Wasaaraha hor dhigay  dhawr sharuudo ah oo marka hore ay tahay in Xukuumadda Xilgarsiinta ay qaado

Sharuudaha ayaa waxaa ka mid ah

1- In la cambaareeyo, raali gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo.
2- In bannaan baxa la ogolaado.
3- In shirarka wadatashiga qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ogolaaday labada sharuud ee ugu horreeya ee kala ah:

1- In la cambaareeyo, raali gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo.
2- In bannaan baxa la ogolaado.
Sharuud 3aad   ee ah in shirarka wadatashiga qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta Mucaaradka ah ayaa tilmaamay in tasi ay ku xiran tahay Mdaxweyne Farmaajo oo isaga gacanta ku haaya arimahasi

Kulanka Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Golaha midowga Musharixiinta ayaa imaanaya xilli Golaha midowga Musharixiinta ay shalay shaaciyeen in marnaba aysan joojin doonin dibad baxa ay qorsheeyeen in maalinta jimcaha uu ka dhaco muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com