Laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay hakad galineyso qabashada codsiyada baasaboorrada cusub ee Soomaaliga, sababo la xiriira fayraska corona ee aad ugu sii xoogeystay Soomaaliya.
Wargelin ay waaxdu soo dhigtay baraha bulshada ayey ku tidhi: “Khatarta Caabuqa COVID19 oo sii kordheysa awgeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu, waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe.”
. Khatarta Caabuqa COVID19 oo sii kordheysa awgeed, @IndSomalia, waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe.
Dhinaca kale, wasaaradda Caafimaadka ee ay hoggaamiso Dr Fowsiyo Abiikar ayaa shacabka uga digtay khatarta cudurka, waxaana dadweynaha loogu baaqay in ay dadaalka dhankooda ka sameeyaan.
Sidoo kale waxay wasaaraddu ka digtay in warar been abuur ah laga faafiyo xaaladda cudurka.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com