Midowga musharixiinta oo gaashaanka ku dhuftay Amar ka soo baxay Dawlada Federaalka Soomaaliya

Midowga Musharixiinta ayaa gaashaanka ku dhuftay Hadalkii ka soo yeeray Wasiiro ka Tirsan XFS ee ahaa in la joojiyay dibadbaxyada ay ku baaqeen mucaaradka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan Golaha musharixiinta mucaaradka ah  ayaa sheegay in aysan dheg u dhigi doonin go’aanka Dawlada ay ku mamnuucday dibadbaxyada sababo la xiriira cudurka covid19  saameen xooggan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in dibad  baxa uu yahay mid dastuuri ah  oo ay Fikirkooda ku soo bandhigayaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu bartiisa Face buugga soo dhigay ayaa u qornaa sidaan:

Markii ay dowladdu go’aankan ku dhawaaqeysay maalintii shalay magaalada Beledweyne waxaa ka dhacayay dibadbax lagu taageerayay madaxweynaha xilhayntiisu dhamaatay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Muxuu yahay sharciga fasaxaya dibadbaxa madaxweynaha lagu taageerayo ee diidaya kan looga soo horjeedo.”ayuu yiri Siyaasiga Cabdiraxmaan CabdishakuurWarsame oo ka tirsan Golaha midowga musharixiinta

Si kastaba ha ahaatee , Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa shalay sheegay in la mamnuucay dhammaan dibad baxyada si loo xakameeyo faafista cudurka Covid19.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com