Wasiirka Arrimaha dibadda XFS Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegaya in laga helay cudurka COVID-19 uuna is karantiilay Wasiirka ayaa hadalkan u sheegay telefiishanka dawladda Soomaaliya. Wasiirka ayaa Tilmaamay inuu ku sugan yahay dalka Burundi, oo uu kaga qaybgalayey shir, halkaasi oo uu sheegay inuusan ka bixin degaanka uu ku sugan yahay.
Wasiirka ayaa hadalkan sheegay isagoo ka hadlayey in cudurka COVID-19 uu aad ugu faafay Soomaaliya. Waxa uu sheegay inaysan caqli keenayn in la yiraahdi dibadbax ha la isku yimaado, sida uu hadalkiisa u dhigay.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com