Maxay Dawlada Federaalka ka Tiri shirkii Golaha Amaanka uu ka yeeshay Xaalada Soomaaliya?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb: Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay kalankii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ay kaga xaaladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in shirka si gaar ah diirada loogu saaray arrimaha Doorashada iyo bini-adanimada Soomaaliya, isagoo jeediyay warbixin dhinacyo badan taabaneysaty.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa tilmamay in ay muhiim tahay hirgelinta heshiiskii 17-kii September, taas oo horseedeysa in la gaaro doorasho loo dhan yahay.

“ Arrinkan markii ugu horeysay ma ahan meelo kala duwan baan kaga soo hadalnay heshkiiskii 17-kii September waa heshiis taagan una baahan in la fuliyo,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in heshiiskii la gaaray 17-kii Sebtember u yahay kan ugu habboon ee lagaga bixi karo dib u dhaca dooarshada, iyo xaqijinta in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay idan cad u haystaan wajaibaadkooda isla markaana loogu soo noqon lahaa in mudnaanta la siiyo ajandayaasha Qaranka.

Waxa uu shegya inay ku dadaalayaan sidii ay labada mamaul ee Jubaland iyo Puntland ugu soo biiri ahaayeen wadahadallada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com

.