Duulimaadyadii Caalamiga ah ee Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo dib u bilowday

Duulimaadyada Caalamiga ah ee shirkadaha  diyaaradaha Turkish Airline, Ethiopian Airways iyo Uganda Airline ayaa dib uga bilowday Garoonka diyaaradaha  Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed  Cabdullaahu Salaad Oomaar oo ku sugan Garoonka ayaa  ka hadlay dib u howlgalida  shirkadaha diyaaradaha ee laga leeyahay Dalalka Turkiga, oo Aasiya iyo Yurub ah iyo Wadamada Sida Uganda iyo Ethiopia.

sidoo kale waxaa si caadi ah u socda Duulimaadyada ay Muqdisho ku imaanayaan diyaaradaha Djibouti Air, Hala Airlines, Daalo iyo diyaaradaha hay’adaha caalamiga ah sida WFP, UN.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in xaalada Garoonka ay aad wanaagdan tahay islamarkaana duulimaadyadii caalamiga ahaa ay dib uga bilowdeen Halkaasi.

Duulimaadyada caalmagi ah ee garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa istaagay ka dib markii maalnitii jimcaha dhawr Hoobiye ay ku dhaceen Garoonka taasi oo qal qal gelisay Amanka diyaaradaha Adeegsada Garoonka Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com