Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda oo ka mid ah Xisbiyada Siyaasdeed ee ka jira Dalkeena Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay xaalada Caafimaad eek u sugan yahay sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ah Hogaamiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaalada islamarkana muddo 2 sano ah u xiran Dawlada Federaalka Soomaaliya
Sidoo kale Xisbiga Amniga iyo Cadaalada ayaa walaac ka muujiyay Xaalada Amni ee goobta uu ku xiran yahay sheikh Mukhtaar Rooboow Cali.
Sidoo kale Xisbiga Amniga iyo Cadaalada ayaa ka hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka waxa ayna uga digeen Madaxweyne Farmaajo in uu qabto doorasho hal dhinac ah.
Ugu dambeeyntii Xisbiga Amniga iyo Cadaalada ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka qayb galaan dibad baxyada looga soo horjeedo xukunka kaligii talisnimada ah ee Madaxweyne Farmaajo uu Majaraha u haayo
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com