Wasiir Oomar oo ka hadlay xaalada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawadaee XFS , Maxamed Salaad Oomaar ayaa shaaciyay in xaaladda garoonka diyaaradaha Muqdisho ay tahay mid wanaagsan diyaaradahana sidii hore  soo dagayaan.

Wasiirka Oomaar ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan shirkaddo duulimaadyadooda kansalay sida Ethiopian Airways iyo Turkish Airlines, kuwaas oo dib u bilaabaya duulimaad yadooda Soomaaliya maalinta beri ah .

Waxa uu tilmaamay duulimaadyada la kansalay in aanay la xiriirin xaaladda ka jirta  magaalada Muqdisho

Warkaan ka soo baxay wasiir Oomaar ayaa ku soo aadaya ka dib markii dhawr shirkadood ay joojiyeen duulimaadyadooda sababo Amni Awgeed wixii ka dambeeyay markii shalay dhowr hoobiye ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com