Waa Sidee Xaalada Magaalada Muqdisho?

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta degan kadib qalalaasihii ka dhacay Magaaladaan .

Isu socodka gaadidka ayaa si caadi ah ku soo laabtay kadib markii shaley ciidamada amniga xireen waddooyinka.

Mucaaradka waxay sheegeen inay sii wadi doonaan banaanbaxyada ka dhanka ah dowladda.

Halka dowladda ay ku adkeysatay in aanan la qabin karin isu soo baxyada arrimo ay kamid yiiin amniga iyo cudurka Covid-19 dartood.

Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika waxay ugu baaqeen dhinacyada isku hayo siyaasadda Soomaaliya in xasiiloonida iyo nabadda ay ka shaqeeyaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com