Qm oo ka walacsan Xaalada Muqdisho

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in si weyn uu uga walacsan yahay qalalaasihii shaley ka dhacay Muqdisho.

Wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku hayo siyaasadda Soomaaliya inay ku dadaalaan xasiloonida.

Xoghayaha guud wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada in si deg deg ah u yeeshaan kulan heshiis looga gaarayo arrimaha doorashada.

“Xoghayaha guud wuxuu ku baaqay in la qaddariyo xuquuqda ku saabsan qabashada isu soo bax nabadeed iyo xoriyadda hadalka” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Qaramada Midoobey.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com