Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS , Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub oo cudurka Covid19 ah laga diiwaan geliyay dhamaan gobalka Banaadir (132) qof, 83 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 49-na ay yihiin haween.
Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 5,632 waxaa bogsootay 3,757 Ruux. guud ahaan 179 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.
Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com