Ciidamo ka Tirsan Midowga Musharixiinta oo la wareegay Taalada Daljirka Daahson

Ciidamo ay wataan Midowga Musharixiinta ayaa la wareegay Taalada Daljirka Daahsoon Halkaas oo beri uu ka dhacay dibad baxa mucaradka ay ku baaqeen.

Wararka aynu ka heleyno taalada Daljirka Daahson ayaa sheegaya in in Halkaas ay la wareegeen Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya Balse ay wataan Midowga Musharixiinta Mucaaradka

Afhayeen Golaha midowga Musharrixiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay Ciidamada ku sugan Taalada Daljirka ay kuwii sugayay Amniga musharixiinta iyo ka qayb galayaasha dibad baxa ay ku baaqeen.

 

Taalada Daljirka Daahson ayaa hore waxaa ugu sugnaa Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka oo ka amar qaata madaxtooyada Soomaaliya balse xalay ayaa halkaas waxaa la wareegay ciidmo taabacsan Mushiriinta kana tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com