Maamulka Joe Biden oo ka carooday weerar lala beegsaday saldhig uu Maraykanka ku leeyahay Ciraaq

Dowladda Mareykanka ayaa ku gooddisay in ay “la xitaabtami doonto dadka mas’uulka ka ah” weerar loo adeegsaday gantaallo oo Isniinrtii lagu qaaday gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq, kaasoo lagu dilay qandaraasle rayid ah.

Askari ka tirsan ciidamada Mareykanka iyo shan qandaraasle oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo lagu bartilmaameedsaday magaalada Irbil, oo uu ku yaallo saldhig ay isticmaalaan isbahaysiga uu hoggaamiyo Mareykanka.

Bayaan uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken ayaa lagu sheegay in xukuumadda Washington ay “ka carootay” weerarkaas.

Koox aan horay loo sii aqoonin Iiraan gacan saar la leh ayaa sheegatay in ay weerarkaas fulisay.

Qandaraasleyaasha dilka iyo dhaawaca loo geystay ayaa lasoo tabiyay in ay dhammaantood yihiin ajaanib.

Mas’uuliyiinta maxalliga ah ee Kurdiyiinta ayaa sheegay in saddex ruux oo kale lagu dhaawacay gantaallada ku dhacay gudaha magaalada Irbil, mid ka mid ahna uu dhaawiciisa halis yahay.

Garoonka diyaaradaha ee magaaladaas ayaa la xiray markii uu weerarka dhacay kaddib.

Madaxweynaha Ciraaq, Barham Salih ayaa sheegay in waxa dhacay uu ahaa “weerar argagixiso oo ay dambiileyaal geysteen”, wuxuuna ka digay “in xaaladdu ay gaarto meel halis ah” haddii gobolkaas uu qalalaasaha kasii socdo.

Waxaa la aaminsan yahay in weerarkan uu yahay kii ugu horreeyay ee reer Galbeedka lagu beegsado tan iyo markii uu bishii lasoo dhaafay xilka qabtay madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com