Dib u dhac ku yimid shirkii uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo

Dib u dhac ayaa ku yimid shirkii uu iclaamiyay madaxweyne Farmaajo oo loo ballansana in 15 bishan Febraayo oo maanta ku beegan uu ka furmo magalad Garowe

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilahi Deni uu ku taliyay in  shirkaasi lagu qabto Magaalada Muqdisho si ay uga qaybgasho Beesha Caalamka iyo Saamileyda siyasadeed ee dalka.

Ujeedka  shirka baaqday ayaa ahaa sidii Dawlad Federaalka Soomaaliya, dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay uga arinsan lahaayeen qabashada doorasho loo dhan yahay tasi oo ku timid cadaadis ay dawlada Federaalka kala kulmeyso beesha Caalamka .

Hase,ahaatee shirkaan baaqday ayaa ku soo beegmay xilli Ra’iisal Wasaare Rooble uu magaacaabay Gudi ka kooban Dawlada Federaalka Soomaaliya , Dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir kuwaas oo magaalada Baydhaba uu uga furmi doono shir looga hadlayo doorashooyinka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com