Magacyada Xubnaha Dawlada Soomaaliya , Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku matala shirka

Ra’iisal Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka kooban Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Guddiga farsamo ayaa la sheegay in ay u gogol xaarayaan Shirka Golaha Wadatashiga ee uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo kaasoo lagu dhammeystirayo wadahadallada doorashooyinka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Dawlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Magacyada guddiga uu Ra’iisul Wasaaraha  magacaabay waxa ay ka kala socdaan Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ,Maamul goboleedyada iyo Gobolka banaadir waxaana ay kala yihiin:

  1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac: Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka.
  2. Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji : Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  3. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Puntland.
  4. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde: Wasiirka Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Puntland
  5. Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Jubaland.
  6. Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaadka Dowlad-goboleedka Jubaland
  7. Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel): Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Galmudug.
  8. Aadan Cusmaan Xuseen (Qoryooley): Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlad-goboleedka Galmudug.
  9. Axmed Madoobe Nuunow: Wasiirka Qorsheynta Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.
  10. Maxamed Abuukar Cabdi: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.
  11. Maxamed Cali Caadle: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle.
  12. Caasho Khaliif Maxamed: Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad-goboleedka Hirshabelle.
  13. . Basma Caamir Axmed: Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir.

    14. Xiireey Axmed Rooble: Xoghayaha Gobolka Banaadir.

    Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u rajeeyay guddigan in ay u gutaan waajibaadka loo igmaday si hufan oo ay xilkasnimo ku jirto.

    Xafiiska Wararka Muqdisho.

    Info@aragticusub.com