Madaxweyne Farmaajo oo xaliyay khilaaf u dhexeyay Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa soo fara geliyay khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay MadaxdaSare ee Maamulka Gobolka Banaadir

Khilaafka ayaa u dhexeyeeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhinac oo ay isku dhinac yihiin Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada, Xoghayaha Gobolka Banaadir, iyo Afhayeenka maamulka gobolka oo dhammaantood ay isku dhainacyihiin Gudoomiyaha gobolka Halk Gudoomiye ku xigeenada Maaluyada Arimaha Bulshada iyo Hawlaha Guud iyagana isku dhinac ay ahaayeen.

Baraha bulshada ayuu khilaafkooda ku baahay  waxaana laga gaaray xal xal ka dib markii madaxweyne Farmaajo uu soo fara geliyay khilaafka madaxdaasi waxaana saameyn xooggan uu ku yeeshay mushaarkii ay qaadanayeen shaqaalaha gobolka Banaadir

Hase ahaatee waxyaabaha ay isku maan dhaafeen madaxda maamulka gobolka Banaadir ayaa la xiriirta ka dib markii shaqo joojin lagu saameyay waxda bixinta Dhulka oo uu Agaasime ka ahaa Cabdi Barre oo isna hore uu soo noqday Maamulihii shirkadda Dahabshiil ee Suuq bacaad

Xil ka qaadista Mas’uulkaasi ayaa timid ka dib markii cabshada is qab qasiga dhulalka ay aad u nsoo korortay taasi oo keentay in maamulka gobolka Banaadir go’aan deg deg ah ay ka gaaraan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com